Toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis June 23, 2018 askari uu ku lug lahaa ayaa sababay dhimashada nin ka soo jeeda Waqooyiga Minneapolis. Urur ahaan oo bixiya adeegyada caafimaadka dhimirka ee carruurta, waxaanu si xanuun leh u qiraynaa in dadka ay soo gaadheen waayitaanka qof ay jeclaayeen duruufo naxdin leh ay inta badan u arkaan murugo aad u adag.
Waqtigan xaadirka ah, marka caddaynta la ururiyo oo baaritaan la sameeyo, waxaan aqoonsannahay saameynta nafsaaniga ah ee dhacdadani ku leedahay wanaagga niyadeed ee deriskayada:
- Waxaa jira xubno ka tirsan qoyska oo ku haray dhaawaca wiilkooda, walaalkood iyo deriskooda. Isku darka khibradaha shaqsiyeed ee naxdinta leh ee nafta halis gelinaya, waayida kuwa la jecel yahay iyo dhibaatooyinka ka dambeeya rabshadaha ayaa keenaya caqabado nafsi ah oo socda marka ay qoysasku isku dayaan inay baroortaan oo ay ka soo kabtaan.
- Dhacdadani waxa ay keentey dhaawac taariikhi ah oo ay la kulmeen oo ay dareemeen bulshooyinka midabka leh tobannaan sano. Sida duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey uu xusay, “ marar badan, dadka ka kala yimid magaalooyinka Minneapolis iyo Twin Cities waxaa ku dhacay xanuunka nafta ay ku waayeen intii ay socdeen la kulanka sharci fulinta. Iyadoo aan loo eegin waxa dhacay… dhibka taariikhiga ah ee soo gaadhay bulshooyinka midabka leh marna kama foga ku dhawaad dhinac kasta oo nolosheenna ah.”
- Qoysas badan oo ay u adeegto Xarunta Washburn ayaa ka baqaya ammaankooda. Xidhiidhka xun ee u dhexeeya saraakiisha fulinta sharciga iyo bulshooyinka midabka leh ayaa abuuray wakhti iyo goob ay carruurta aan u adeegno ay la kulmaan su'aalo adag: "Miyaan aamini karaa saraakiisha booliiska? Waa maxay sababta midabka maqaarkaygu u beddelo sida la ii daweeyo? " Kuwani waa dhowr su'aalood oo ay daaweeyayaashu ka maqlaan carruurta marka ay la halgamayaan saameynta qoto dheer ee dhaawacyada carruurta iyo qoysaska.
Dhacdooyinkani waxay saameeyaan caafimaadka maskaxda ee bulshadeena, deriskayaga iyo gaar ahaan carruurta aan u adeegno marka ay isku dayayaan inay macno u sameeyaan adduunka ku hareeraysan. Waxaan bixinaa Tusaalahan Sida Dhaawaca Taariikhiga ahi u Saameeyo Caafimaadka Maktabadda Daawada ee Maraykanka - Machadka Qaranka ee Caafimaadka si loo muujiyo sida xasuusinta dhaawacyada taariikhiga ah - sida dhacdadan - u saameeya caafimaadka qofka iyo bulshada (guji sawirka si aad u ballaariso).
Waxaan sidoo kale siinaa qoysaska agabkan ku saabsan rabshadaha bulshada iyo dhaawacyada:
Kala Hadlida Caruurta Rabshadaha Bulshada
Talooyin ka socda Shabakadda Cadaadiska Dhibaatada Carruurta ee Qaranka